Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Nasser Al-Khelaifi & PSG Naga Daaya Cayaarta! (dhegayso)

Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Nasser Al-Khelaifi & PSG Naga Daaya Cayaarta! (dhegayso)

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ugu danbayn ka hadlay xaalada heshiiska ay kooxdiisu lacagta waalida ah ku doonayso ee Neymar Jr, wuxuuna isku dayay in uu hoos u dhigo haddii ay kooxdiisu qalad ku leedahay in ay gacan dhaaf u samaysay Neymar iyada oo aan wax ogolaansho ah ka helin Barcelona.

Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in Neymar Jr uu yahay ciyaartoy Barcelona ah isla markaana ay kooxdiisu ixtiraamayso heshiiska u dhexeeya xidiga ree Brazil iyo Barcelona.

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Real Madrid isaga oo ka soo hormaray waqtigii ay Real Madrid u qorsheysay inuu soo laabto kaas oo ahaa 5-ta Agoosto, 3 maalmood kahor kulanka Man United.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com