HomeUncategorized

R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali M. Gaas oo magacaabay guddiga gurmadda abaaraha iyo barakacayaasha.

Caption ...

Wafti uu hogaaminayo wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaliya oo galabta ka soo degay Galkacyo.
Dowladda Faderaalka Soomliya oo cambaaraysay weerarkii ismiidaaminta ee shalay Muqdisho kadhacay.
R/wasaare Gaas oo kormeeray madasha shirka ee madax dhaqameedka Somalida, codsina u gudbiyey.

Muqdisho, July 03 – R/wasaaraha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cabdweli Maxamed Cali \’Gaas\’ ayaa maanta magaacay guddi heer-qaran oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha iyo barakaca baahsan ee ka dhacay meel badan ee waddanka ah.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa dhammaantood ka tirsan golaha xukuumadda ee siihaya xilalkii wasaaradaha dawladda kaddib markii uu is-casilay r/wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, kuwaasi oo u badan wasiirrada wasaaraha ugu miisaanka culus ee dawladda.

Shir jaraa\’id oo R/wasaaruhu maanta ku qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayuu ku shaaciyey magacyada xubnaha guddiga gurmadka abaaraha, isagoo wariyaashuna ay su\’aalo ka waydiiyeen qorshayaasha horyaalla guddiga uu magacaabay.
Faah-faahin dheeraad ah goordhaw ayaad heli-doontaan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: