Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo magacaabay afartii xubnood ee ka dhimmanaa guddiga doorashada Puntland.

Garowe, July 02 – Guddoomiyaha golaha baarlamaanka dawladda Puntland ayaa maantay magacaabay xubnihii ka harsanaa guddiga doorashada Puntland kuwaasi oo tiradoodu ay ahady afar xubnood.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska afhayeenka wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa lagu shaaciyey magacayada afarta xubnood ee buuxin-doona tirada guddiga doorashada Puntland kaddib markii maalmo ka hor m/weynaha Puntland uu magacaabay Shan-xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada, waxaana haatan tiradu ay isku taagtay 9 xubnood oo ah inta uu dhigayo dastuurka Puntland.

Afarta xubnood ee uu maanta magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa kala ahaa.

1- Dr. Cali Cabdiraxmaan Xirsi.
2- Maxamuud Soofe Xassan.
3- Yuusuf Xaaji Siciid.
4- Cabdirisaaq Axmed Sh. Shoolaa.

Xubnaha maanta la magaacabay ayaa dhammaystiray tiradii guddiga guddiga doorashada Puntland, waxaana ay iska dhex-dooran doonaan guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland, hase ahaatee waxaa ka hormari doona in la meel-mariyo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com