HomeUncategorized

RW Saacid ?Inaan si fuhan u aqbalno go?aanka baarlamanka taariikh ayey noo tahay.? (Dhegeyso)

Muqdisho, December 5, 2013 - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa yeeshay ayaa si buuxda u aqbalay markii labaad go?aankii golaha Baarlamaanka.

G/ degmada Tawfiiq ee Mudug oo Puntland ugu baaqay in adeegyada nolasha laga taageero (Dhagayso)
DHEGEYSO-Xubnihii dhimmanaa ee golaha deegaanka Dangorayo oo ladhaariyey.
Maxaabiis cafis loo fidiyey munaasabada Ciid al Fitriga awgeed. [Dhegaysi …]

Muqdisho, December 5, 2013 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa yeeshay ayaa si buuxda u aqbalay markii labaad go?aankii golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee uu gaaray taariikhdu markay aheyd 2-da bisha Dec. 2013.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra?iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ?Saacid?, ayaa qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa Arrimaha Amniga iyo ka doodista go?aanka uu kalsoonida kala laabtay Baarlamaanka Soomaaliya Xukuumada Federaalka.

Gabagabada kulanka, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ra?iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ?Saacid?? isaga oo sheegay in golaha Wasiiradu ay ka hadleen go?aankii golaha Baarlamaanku qaatay, isla markaana ay si buuxda u aqbaleen natiijada. Waxa uuna yiri.

?Maanta waxaanu yeelanay kulfadhigii golaha, tan iyo markii uu soo baxay go?aanka baarlamaanka 2-dii bishan Disembar, waxaanu ka hadalnay sidii caadadu aheyd umuuro badan oo howlaha Qaranka quseeya, gaar ahaana go?aankii Baarlamaanka, markii aanu dhinacyo badan ka eegnay, waxaa anigoo aad uga mahadnaqaya golaha Xukuumadu ay mar labaad ila garteen liana ayideen inaanu taageerno, isla markaana aqbalno go?aanka Baarlamaanka, waana sidii aan hadda ka hor 3-dii bisha warqad aan u gudbiyay Gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynahaba u gudbiyay? ayuu yiri Ra?iisul Wasaare Saacid oo xusay markii hore uu ku yimid isaga iyo golaha Xukuumadu si sharci ah isla markaana haatan maray wadada ugu haboon ee sharciga ah.

?Inaanu u hogaansano go?aanka Baarlamaanka sharaf iyo taariikhbey noo tahay runtii? ayuu mar kale yiri Ra?iisul Wasaare Saacid.

Sidoo kale, Ra?iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u mahadnaqay Xubnaha golihiisa Wasiirada iyo dhamaamba hay?addaha dawliga ah sidii hufneyd ee ay ula soo shaqeeyeen intii uu xafiiska hayay mudada halka sano aheyd.

Ugu dambeyntiina, Ra?iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudadii ay shaqeyneysay, wuxuuna ka codsaday inay taageeraan xukuumada kale ee badali doonto, si loo helo dawladnimo iyo horumar.

Dhamaad

Diiwaanka wararka

Radio daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: