RW-Ku-xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Arbaco, Abriil 29, 2015 (Daljir) —Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu kasoo bogsaday dhaawac kasoo gaaray falkii argagixiso ee kooxda nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Central 20-ka bishii February ee sanadkan,  waxana kusoo dhaweeyay garoonka Muqdisho xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Soo dhaweynta kadib. Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa kulan soo dhaweyn ah wuxuu la qaatay shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waxaana halkaas ka hadlay Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin iney soo dhaweeyaan Ra\’iisul Wasaare ku xigeenka oo mudo laba bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Mudane Carte, ayaa mahadcelin kadib, xusay xili walba inuu u taagan yahay dhismaha qaran Soomaaliyeed, mar walbana ay dhibaatooyin noocan oo kala ah dhici karaan marka lagu jiro dhismaha dowladnimada.

“Waxaan maanta idin ogeysiinayaa in aan dalkaygii hooyo ku soo laabtay anigoo in muddo ah ugu  maqnaa dalka dibeddiisa arrimo caafimaad. Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Ilaahay oo caafimaad i siiyay, dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka oo intaas ku daray.

Sidoo kale, ku xigeenka RW ayaa  shacabka Soomaaliyed uga mahad celiyey dareenkooda ku dheehen wadaniyada iyo  sida ay ula soo xiriir jireen markasta si ay wax uga ogadaan xaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegayaa in xaaladiisa   caafimaad ay tahay mid wanaagsan, maanta laga bilaabana shaqadii uu qaranka ugu dhaartay uu halkeedii ka sii wadi doono.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com