Shirkii wada tashiga dowladda Soomaaliya iyo Maamulada dalka oo Garowe ka Furmay

Khamiis, Abriil 30, 2015 (Daljir) — Xarunta wasarada Caafimaadka Puntland ee magalada Garoowe,waxaa goor dhowayd ka furmay shirka wadatashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasssan Sheikh Maxamud aya si rasmi ah u furay shirka iyadoona ay goob-joog ka yihiin dhamaan madaxd dowladaha Federaalka xubnaha ka ah.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,iyo madaxda kale maamullada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland aya madasha ka jeedin doona Khudbado ku Aadan Ajandayaasha shirka looga hadlayo mudaada uu socdo.

Shirkaan aya daba socda wajigii kowaad ee shirweynaha oo bishii 2-aad ee sanadkan ka dhacay magalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya,kaasi oo lagu go,aamiyey in wajiga labaad ee shirka ay Puntland marti-geliso.

By: Maxamed Xalliye 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com