RW Khayre iyo Waftigiisa oo ku Qadeeyey Duleedka Kismaayo

RW Khayre iyo Waftigiisa oo ku Qadeeyey Duleedka Kismaayo

Kismaayo, 14, July 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubnaha golaha Wasiirada ee ku weheliyey safarkiisa ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, taasi oo ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.axweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland.

“Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha iso wafdiga la socda ayaa qadada kadib, halkaas ku maalay geel, waxana ay tani kamid tahay sida ay shacabka Jubbaland ugu faraxsan yihiin la joogitaanka madaxda dawladda Federaalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 

 

 

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com