Roobab Lagu Diirsaday oo Xalay iyo Saaka Ka Da’ay Gobolada Nugaal iyo Mudug

Roobab Lagu Diirsaday oo Xalay iyo Saaka Ka Da’ay Gobolada Nugaal iyo Mudug

Wararka ku soo dhacaya Istuudiyaha Daljir ee magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in roobab siweyn loogu diirsaday ay xalay gelinkii dambe iyo saaka ka de’een deegaamo hoosyimaada Burtinle iyo Xarfo.

Deegaamada roobsaday ayaa waxaa kamid ah  degmada Burtinle, Tuulada Jalam, Tuulada Magacley, Tuulada Cariska oo katirsan Cagaare, waxaana goob jooge ku sugan tuladaas ayaa sheegaya in xaalada tuuladaas iyo Hareeraheeda ay yihiin kuwo khatar ku sugan maadaama togga biyo buux dhaafiyeen.

Dhanka kalena waxaa roobsaday Degmada xarfo & deegaamada hoos yimaada, Bacaad-weyn, Ceel-Berrdaale   Gacana-fale ilaa Godad oo katirsan gobolka Mudug.

Dhanka kalena, Tuulada Gosol oo Burtinle hoosyimaada ayaa waxaa ku soo rogmey biyo aad u badan, waxaana ay ku soo beegmayaa xilli horay tuuladaasi ay u buux dhaafiyeen biyo aad u badan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com