Real Madrid fkf Juventus-Taariikhaha Kala Duwan ee Laga Diiwaangeliyey Kulanka Finalka CL

Real Madrid fkf Juventus-Taariikhaha Kala Duwan ee Laga Diiwaangeliyey Kulanka Finalka CL

Real ayaa dadaal ugu jirta in koobkaan qaadaan markii 12-aad taariikhooda halka Juvena doonayaan in ay qaadaan koobkaan markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1996-dii.

* Waa kulankii 19-aad ee Champion-ka ee labadaas koox dhex maraya, waxa ay noqonayaan labada koox ee labaad ee ugu badan ee isku arka tartankaan marka laga yimaado Munich iyo Real oo 24 jeer ku kulmay Champion-ka

* Kulamada labadaan koox waxa ay kala haystaan 8 jeer oo guul ah iyadoo halka kulan ee finalka Champion-ka ay isugu yimaadeen ay badisay Real waxa ayna aheyd sanadkii 1998-dii xilligaas oo Juve looga badiyay hal gool oo nadiif ah .

* Real ayaa markii 15-aad taariikhooda u soo baxaya finalka Champion-ka mana jirto koox kale sidaas sameeyay ,11 jeer waa ay qaadeen

* Juve waa kooxda kaliya ee illaa haatan xilli ciyaareedkaan aan laga badin tartankaan Champion–ka ,waxa ay badiyeen 9 jeer halka sedex jeerna ay galeen bar bar dhac

* Real haddii ay badiyaan caawa waxa ay noqonayaan kooxdii ugu horeysay oo laba jeer ku guuleysata Champion-kaan iyo markii magaca cusub loo bixiyay

* Goolhayaha Juve ee Buffon ayaa noqonaya laacibkii labaad ee ugu da`da weyn ee ka qeyb galaya finalka Champion-ka xilli da`diisa tahay 39 sano iyo afar bil waxaana kaliya ka horeeyay Edwin van der Sar oo finalka Champion-ka ugu qeyb galay da`da 40 sano iyo 6 bil xilli ay xusid mudan tahay in Buffon ku fashilmay finaladii 2003-ka iyo 2015-kii

* Wales ayaa markii ugu horeysay marti gilineysa finalka Champion-ka halka ay tahay dalkii 17-aad ee finalka tartankaan marti gilinaya tan iyo markii uu biloowday sanadkii 1954-tii waxaana horay tartankaan Champions League loo oran jiray European Club Cup of Champions

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com