Ra’isul Wasaare Rooble oo Safar Dhulka ah ku Tegey Degmada Balcad

HomeWararka

Ra’isul Wasaare Rooble oo Safar Dhulka ah ku Tegey Degmada Balcad

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goordhow gaaray degmada Balcad ee gob

Garoowe iyo u diyaar-garowga Musanaasabada dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH)
Qaramada Midoobey oo ka hadashay shaqaale looga dilay Muqdisho
Cabsi soo wajahday ciidamada Mareykanka ee ku sugan xadka Kuuriyada Waqooyi

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goordhow gaaray degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wafdiga Madaxdan oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ayaa safar dhulka ah ugaga baxay saaka magaalada Muqdisho iyadoo halkaa si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wadada isku xirtas magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad oo dhererkeedu gaarayo 37km ayaa wajiga hore ee dayactirka lagu sameeynayo ay soo gabagabowday iyadoo la filayo in wajiga labaad dhawaan la bilaabo.

Guud ahaan ammaanka magaalada Balcad ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu tago degmada Balcad Ra’iisul Wasaare Rooble tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’isul wasaaraha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: