Ciidamada Magaalada Jigjiga oo Xabsiga Dhigey Waalidiinta Wasiirkii Hore ee Haweenka Itoobiya Filsan Axmed

HomeWararka

Ciidamada Magaalada Jigjiga oo Xabsiga Dhigey Waalidiinta Wasiirkii Hore ee Haweenka Itoobiya Filsan Axmed

Ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta oo Arbaco ah xabsiga dhigay waalidiinta wasiirkii hore ee Haweenka iyo carruurt

Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si kulul uga hadlay Dagaalka Wanlaweyn (dhegayso)

Ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta oo Arbaco ah xabsiga dhigay waalidiinta wasiirkii hore ee Haweenka iyo carruurta Itoobiya Filsan Axmed oo dhawaan iska casilay xukuumadda Federaalka.

Wasiirkii hore ee haweenka iyo dhalinyarada Filsan Axmed ayaa barteeda twitterka ku sheegtay in waalidkeed lagu xiray Jigjiga islamarkaana su’aalo lagu weydiinayo.

Xarrigan ayaa yimid kadib markii ay sidoo kale Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu albaabada isugu dhuftay xarunta taleefishinka NABAD oo ay lahayd Filsan Axmed.

Maamulka Deegaanka Soomaalida ayaa albaabbada isugu dhuftay Telefishiinki NABAD TV oo ah midkii ugu horreeyey oo gaar loo leeyahay oo abid deegaankaasi laga Hirgeliyo.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Deegaanka Soomaalida Gaashaanle Sare Maxamuud Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu talefishiinka baahiyey warbixin abuuri karta amni darro, iyo arrin iska hor keeni karta qowmiyadaha deegaankaasi ku wada nool.

Filsan ayaa xilka iska casishay bishii hore kadib markii ay isku dhaceen maamulka Abiy Axmed, waxayna tan iyo xilligaas noqotay qof dhaliilsan dagaalka ka dhex socda dowladda iyo kooxda TPLF.

Filsan oo barteeda twitter-ka soo dhigtay ayaa sheegtay in isbedelladii Abiy Axmed ee bilowgii maamulka uu hadda noqday musiibo.

Filsan Cabdullaahi Axmed oo ah gabar u dhalatay deegaanka Soomaalida ayaa noqotay gabadhi ugu da’da yareyd oo Soomaali ah oo Golaha Wasiirrada dalka Itoobiya ka mid noqoto.

Filsan Cabdullaahi waxay ku dhalatay magaalada Jigjiga o ay waalliddiinteeda ku noolaayeen waxayna ku soo barbaartay magaalada Addis Ababa, waxbarashadeeda jaamacadeedna waxay ku qaadatay dalka Ingiriiska.

Abiy Axmed ayaa sannadkii 2020, Filsan Cabdullaahi Axmed u magacaabay Wasiirka Arrimaha Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: