Madaxweyne yaasha Puntland & Jubbaland oo Garowe ku kulmaya

Madaxweyne yaasha Puntland & Jubbaland oo Garowe ku kulmaya

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland inay kulan gaar ah ku yeeshaan Magaalada Garoowe.l ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Madaxweynayaasha Maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu safar ku tago Magaalada Garoowe si uu kulan ula yeesho Saciid Cabdullaahi Deni.

labada Madaxweyne oo xulafo gaar ah ayaa qorshuhu ahaa inay ku kulmaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse Saciid Deni uu ka baaqday, waxaana kulankooda Garoowe ay uga arrinsanayaan doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garoowe waxaa uu kulan la qaadan doonaa Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland, isaga oo kala hadli doona wadashaqeynta labada Maamul ee Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo Afartii sano ee la soo dhaafay isku mowqif ka ahaa xaaladda dalka ayaa waxaa uu khilaaf xoogan kala dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo dhowr jeer siwadajir ah u soo saaray qoraalo ay uga soo horjeedeen tallaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com