Cabsi soo wajahday ciidamada Mareykanka ee ku sugan xadka Kuuriyada Waqooyi

HomeWararka

Cabsi soo wajahday ciidamada Mareykanka ee ku sugan xadka Kuuriyada Waqooyi

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhig ku yaalla Kuuriyada Koonfureed ayaa maqlay seeriga degdegga ah ee dagaalka, taas sababtay cabsi ah in Kuuriya

Xulashada Daljir iyo Maxamed Cabdi Maxamed Lakiman (DHEGAYSO)
Maxaa keenay biyo yaridda kajirta Magaaladda Qardho?
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhig ku yaalla Kuuriyada Koonfureed ayaa maqlay seeriga degdegga ah ee dagaalka, taas sababtay cabsi ah in Kuuriyada Waqooyi ay weerar soo qaaday weerar.

Wuxuu qorshaha ahaa in askarta la maqashiiyo dhawaq kale, balse seeriga ayaa si lama filaan ah u dhawaaqay.

Afhayeen u hadlay militariga ayaa arrintaan ku tilmaamay “qalad aadane ka dhacay” oo ka dhacay saldhigga Camp Casey, kaas oo si aad ah ugu dhow xuduudda labada Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horey ugu hanjabtay in “hadiyadda ciidda masiixiyadda ah” ay u diri doonto ciidamada Mareykanka si ay ugu qasabto in ay ka tanaasulaan arrinta hakadka gelisay wadahaladdii labada dhinac.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump wuxuu diiday in uu xayiraadda ka qaado Kuuriyada Waqooyi.

Sidoo kale, Jimcihii, Idaacadda dowladda Japan ayaa si qalad ah u baahisay in Kuuriyada Waqooyi ay soo riday gantaal ku dhacay xeebaha Japan.

NHK ayaa boggeeda internetka ku muujisay warkaas balse 20 daqiiqo ka dib ayaa la saxay warkaas, raali gelinna waa laga bixiyay. Waxaa boggaas lagu qoray in warkaas uu ahaa “mid tababar ah”.

Maxaa ka dhacay saldhigga Camp Casey?

Seeriga colaadda ee sida qaladka ah loo yeeriyay waxaa la sheegay in “uu ruxay” quluubta askarta saldhiggaas ku sugan, qaarkoodan waxaa la arkay iyagoo kala ordaya oo xiran dhammaan qalabkii dagaalka, sida laga soo xigtay bog internet-ka ah oo Wargeyska Washington Post uu soo helay.

Muuqaal la sheegay in la duubay xilligaas ayaa la soo geliyay barta Twitter-ka ee caanka ay ku yihiin ciidamada Mareykanka.

Afhayeen, Lt Col Martyn Crighton wuxuu sheegay in uusan caddeyn karin in muuqaalkaas uu yahay dhacdadii ugu dambeysay.

Dhawaq loogu baaqo askarta oo galab kasta laga daaro saldhigyada ciidamada Mareykanka ayaa la doonayay in la taabto, ayuu yiri.

Askarta ayaa si degdeg ah loogu wargeliyay in qalad uu u dhawaaqay seeriga, ayuu yiri Lt Col Crighton.

Saldhiggan ciidan ee istiraatiijiga ah wuxuu ku yaallaa meel u dhow magaalada Dongducheon ee Kuuriyada Koonfureed. Waa goobt laga ilaaliyo caasimadda dalka ee Seoul. Wuxuuna saldhig u yahay kumannaan askar Ameerikaan ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: