Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo gaaray Gobolka Sanaag

HomeWararka

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo gaaray Gobolka Sanaag

Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta gaaray gobolka Sanaag, halkaas oo dhawaan lagaga mudaharaaday maam

Caawa & Daljir iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar oo kulan yeeshay
Puntland oo soo dhaweysay warmurtiyeedkay soo sareen maamulka Galmudug & Hiirshabeele (Akhriso)

Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta gaaray gobolka Sanaag, halkaas oo dhawaan lagaga mudaharaaday maamulka Puntland.

Socdaalkiisa ayaa wuxuu ku saabsan yahay sidii uu usoo celin lahaa kalsoonii Puntland ay ku lahayd shacabka gobolkaas kadib markii dhawaan halkaasi uu ka dhacay mudaharaadyo loogasoo horjeeday xil ka qaadistii guddoomyihii hore.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa socdaalkiisa ka bilaabay degmada Dhahar, isagoo halkaas kala kulmay soo dhowayn, inkastoo degaanada qaarkood laga muujiyay diidmo.Banaanbaxyada ayaa maanta ka sii socda qaar ka mid ah degmoyinka Gobolka Sanaag sida degmada Xiingaloon iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi.

Wax garadka deegaanka ayaa sheegay in ay halkaasi ka dhisayaan Maamulka loogu magacdaray Maakhir State oo sheegeen in ku midoobeen degmooyinka Sool,Sanaag iyo Ceyn oo isku haystaan Maamulkeed Puntland iyo Somaliland.

Socdaalkiisa ayaa kusoo beegmaya, xilli saraakiil ciidan oo kasoo jeeda gobolkaas ay ka digeen waxay ugu yeereen faro gelin ay Puntland ku hayso kheyraadka degaankooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: