100 Qof oo ku geeriyootay qaraxii Muqdisho

HomeWararka

100 Qof oo ku geeriyootay qaraxii Muqdisho

Waxaa sii kordhaya khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee loo adeegsaday gaari la sheegay inuu xamuul ahaa, kaasoo lagu so

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Qaar kamid ah qalabka dhismaha dekadda garacad oo Jariiban gaaray (dhegayso)
Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka oo ku baaqay Midnimo

Waxaa sii kordhaya khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee loo adeegsaday gaari la sheegay inuu xamuul ahaa, kaasoo lagu soo raray waxyaabaha qarxa, laguna qarxiyay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye.

Dhimashada ayaa waxay cagacageyneysa illaa boqol ruux, sida ay soo sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

Agaasimaha Isbitaalka Madiine Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 73 meydad la soo gaarsiiyay Isbitaalka, sidoo kale dhaawaca Isbitaalka la keenay ayaa gaaraya 52 ruux.

Ka sokow Isbitaalka Madiina waxaa jira isbitaalo kale oo la geeyay dhaawacyo iyo dhimasho, kuwaasoo tirada sare u sii qaadi karta, khasaaraha uu aad uga badan karo inta hada la ogyahay.

Isbitaalada Somali Sudanes, Isbitaalka Digfeer iyo kuwa kale ayaa dhaawacyo fara badan la geeyay, waxaana isbitaaladaas hareeyay dad fara badan oo dadkooda ku la’ qaraxaas.

Dadka ugu badan ee khasaaraha soo gaaray waa arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana tirada ardaydaas lagu sheegay illaa sodomeeyo ruux.

Sidoo kale waxaa dadka dhintay ku jira Engineero u dhashay dalka Turkiga iyo Ciidamo Boolis ah oo goob ku dhow Isgoyska uu qaraxa ka dhacay ku lahaa xarun canshuuraha lagu qaado.

Si kastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa la qiyaasayaa inuu la mid noqon karo kii ka dhacay Isgoyska Zoobe, marka loo eego xajmiga qaraxa goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul badan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: