Qaramada Midoobey oo ka hadashay shaqaale looga dilay Muqdisho

Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in baaritaan uu ku socdo shaqaale u shaqeynayay oo lau dilay Magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNICEF oo uu u shaqeynayay Qofka la dilay ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Xinhua in uu baaritaan socdo islamarkaana ay ka war dhowrayaan baaritaanka dilka loogeystay shaqaalahooda.

Waxaa uu afhayeenka oo aan magaciisa la sheegay intaas ku daray in Hay’addu ay tacsi u dirtay qoyska qofkaas la dilay,sidoo kalena shaqaalaha kale ee UNICEF Somaliya ay hadda bad qabaan.

Qofka shaqaalaha UNICEF ee lagu dilay Xarunta Hay’adda ee Muqdisho ayaa u dhashay dalka Uganda,iyada oo qofka dilka geystay mar uu shaqada ka ceyriyay Ninka uu dilay hayeeshee dib loo shaqaaleysiiyay.

Afhayeenka UNICEF waxaa uu sheegay in sababta dilka aan ilaa hadda la ogeyn ayna rajeynayaan in baaritaanka lagu ogaado sababta shaqaalaha Somaliga ah u dilay midka Uganda u dhashay ee ay wada shaqeynayeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com