Ra’isul Wasaare Rooble oo Safar Dhulka ah ku Tegey Degmada Balcad

Ra’isul Wasaare Rooble oo Safar Dhulka ah ku Tegey Degmada Balcad

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goordhow gaaray degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wafdiga Madaxdan oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ayaa safar dhulka ah ugaga baxay saaka magaalada Muqdisho iyadoo halkaa si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wadada isku xirtas magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad oo dhererkeedu gaarayo 37km ayaa wajiga hore ee dayactirka lagu sameeynayo ay soo gabagabowday iyadoo la filayo in wajiga labaad dhawaan la bilaabo.

Guud ahaan ammaanka magaalada Balcad ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu tago degmada Balcad Ra’iisul Wasaare Rooble tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’isul wasaaraha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com