Ra?isal wasaarihii hore ee dalka Saacid Shirdoon oo sagootiyey shaqaalaha xafiiskiisa (Sawirro)

Muqdisho, December 21, 2013 – Ra?iisul Wasaaraha hore ee? XukuumaddaFederaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ? Saacid? ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay hawl-wadeenada xafiiska Ra?iisul Wasaaraha, waxana kulankan uu mudane Cabdi? Faarax Shirdoon ku ammaanay shaqadii iyo dadaalkii ay muujiyeen dhamaan hawl-wadeenada xafiiska, isagoo ku boorriyey in ay laba-jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

? Maanta aniga ayaa codsaday in aan idinla kulmo, waxaan doonayaa in aan aqoonsado shaqadii wanaagsanayd ee aad ila soo qabateen, waxaan qirayaa in la?aantiin aanan waxba qabteen. Dhammaan shaqada dowladdu laga soo bilaabo hoos ilaa kor waa kuwo is-kaabaya , shaqa kasta muhiimad ayey leedahay waana aqoonsanahay. Waxaan idiin rajaynayaa nasiib wacan, mustaqbal ifaya iyo inaad u sii shaqaysaan qaranka Soomaaliya?? Sidaas ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa? hawl-wadeenada uga warramay geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay intii uu xafiiska soo hayey uu ku dadaalay adkaynta hay?adaha dowladda Soomaaliya iyo inuusan marnaba qaadan go?aan lid ku ah qaranimada dalka. Mudane Saacid waxa uu kula dardaarmay hawl-wadeenada xafiiska in ay sii xoojiyaan shaqada ay hayaan, isagoo u rajeeyey nasiib wacan.

Dhinaca kale,? qaar ka mid ah hawl-wadeenada? xafiiska Ra?iisul Wasaaraha oo? ka hadlay madasha ayaa bogaadiyey? Ra?iisul? Wasaarihii hore? mudane Cabdi Faarax Shirdoon, iyagoo tilmaamay in uu wax badan u soo qabtay dalkiisa.

? Tan iyo xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi ayaan joogay Xafiiskan oo ka shaqaynayey, taariikhda cidna been kama sheegi karto iyadaana is qorta, dhinacyo fara badan ayey xukuumadda Saacid wax ka qabatay? ayuu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon oo goobta ka hadlay.

Dhammaan xubnihii kale ee hadlay ayaa iyaguna qiray waxqabadkii iyo hufnaantii mudane Cabdi Faarax Shirdoon, iyagoo? ka dalbaday in maadaama uu markii horeba uu u shaqaynayey Soomaaliya uu halkiisii ka sii wado shaqada qaranka iyo u-adeegidda ummadda Soomaaliyeed.

Dhamaad

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com