HomeUncategorized

Kenya oo awood u adeegsanaysa badbaadinta muwaadiniin kaga sugan dalka koonfurta Suudaan

Nairobi, December 22, 2013 - Dowladda Kenya ayaa dadaal u gelaysa inay badbaadiso muwaadiniin u dhashay dalkaas oo ku sugan dalka deriska la ah Kenya ee koonfurta Suudaan, halkaas oo lagu dilay Kenyaan.

Joogista Cali Xaaji ee Xamar, ma loo xaglin karaa xil-ka-raadin federaalka ah?
Imtixanaadkii shahaadada Schoolada Puntlad oo ardaydu u farisan doonto 25 May
QM Oo Cambaareeyey Weerarkii Hotel Saxafi

Nairobi, December 22, 2013 – Dowladda Kenya ayaa dadaal u gelaysa inay badbaadiso muwaadiniin u dhashay dalkaas oo ku sugan dalka deriska la ah Kenya ee koonfurta Suudaan, halkaas oo lagu dilay Kenyaan kuwa kalena lagu dhaawacay.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa amar ku siiyey ciidanka dalkiisa inay xoog ku galaan dalka ay deriska yihiin ee koonfurta Suudaan oo caalado ka aloosan yihiin.

Uhurru Kenyatta wuxuu amar ku bixiyey in ay ciidamo gaashaaman galaan dalka koonfurta Suudaan, isagoo intaas ku daray in sidoo kale la qaado cuno, biyo iyo daawo si loola gaaro dadka Kenyaanka ah ee ku xayiran gobolka Bor iyo magaalada Jubba intaba.

Kenya ayaa heshay macluumaad muujinaya inay dhinteen labba ruux oo Kenyaan ah halka ay dhaawac yihiin ilaa 4 kale oo ku jira cisbitaalo ku yaala dalka Koonfurta Suudaan.

Koonfurta Suudaan waxaa ku sugan 1600 oo qof oo Kenyaan ah kuwaas oo intooda badan jooga magaalada Bor ee gobolka Jonglie. Colaadda ka aloosan dalkaas ayaa sii huraysa waxayna u dhexeysa kooxo ka soo horjeeda dowladda Silver Kir iyo ciidamada dowladda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: