Ra’iisul Wasaare Cumar,”Nabadda Galkacyo Waa In Wadajir Looga Shaqeeyaa”.

Galkacyo, Nov 19 2016–Ra´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, ayaa ku guuleystay inuu kala qaado ciidamada labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor fadhiyay in muddo ah Xaafado kamid ah magaalada Gaalkacyo.

Ra´iisul Wasaaraha oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa heshiis kala dhex dhigay hoggaamiyeyaasha labada dhinac, waxayna labada hogaamiye ee Galmudug iyo Puntland isla ogolaadeen inay qaataan heshiis, isla markaana ay kala qaadaan ciidamada labada dhinac.

Ra´iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen labada madaxweyne ee maamulada Galmudug iyo Puntland Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdweli Maxamed Cali, waxaana sidoo kale ku wehlinayay saraakiisha ciidamada labada maamul.
Ra´iisul Wasaaraha oo tagay jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ayaa u sheegay saraakiisha ciidamada in la joojiyo dagaalka isla markaana dib ay ugu laabtaan goobihii ay markii hore ka soo dagaal tageen.

“Waxaan u taagan nahay sidii bulshada dagan Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen , waad la socotaan waxaa la gaarey heshiis nabadeed oo xal loogu raadinayo colaadda, waxaa waajib nagu ah dhammaanteen in aan ka shaqayno nabadda oo ciidamada is hor fadhiyo dib loogu celiyo xeryahoodii”ayuu yiri R.W oo ka hadlayay goobihii ay isku horfadhiyeen labada Ciidan.

Hogaamiyeyaasha labada maamul ayaa sheegay in ay dhab ka tahay dhameynta colaada Gaalkacyo, isla markaana ay dhaqangelin doonaan, isla markaana illaalin doonaan heshiiska la gaaray.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com