Gudiga doorashada dadban oo war kasoo saaray mashaqo kadhacday Jowhar.

Muqdisho, Nov 19 2016-Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxuu aad uga walaacsan yahay rabsahadaha gacan ka hadalka ah ee ka dhacay xarunta doorashada ee Hirshabeelle /Jowhar oo xalay oo ay taariikhdu tahay 18/11/2016, iyada oo ay socotay codeeynta doorashada kursiga Beesha Jidle/ Gugundhabe.

Guddigu si adag ayuu u cambaareynayaa rabshadahii hubeysanaa, isagoo u rajeynaya muwaadiniinta waxyeeladu kasoo gaartay bogsiimo deg deg ah.

Haddaba, Guddiga oo muhiimad gaar ah siinaya amniga Deegaan Doorashada Hirshabeelle/ Jowhar, gaar ahaan amniga Guddiyada Doorashooyinka, Ergada iyo Musharaxiinta, waxuu shaacinayaa in si ku meel gaar ah loo hakiyay qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman ee Golaha shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd.

Guddiga Federaalkan Hirgelinta Doorashada Dadban waxuu ka codsanayaa madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban in ay qiimeyn iyo dib u eegid ku sameeyaan qorshaha suggidda amniga ee deegaan doorashada guud ahaan iyo gaar ahaan xarunta doorashooyinka Hirshabeelle. Waxaa doorashooyinka dib loo billaabayaa marka ay Guudiga Amniga Doorashooyinka ay soo jeediyaan in dib loo bilaabo codbixinta, iyagoo xoojinaya amniga deegaan doorashada Hirshabeelle.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com