Raggii Weeraray Gaarisa oo la sheegay in ay ka Yimaadeen DHADHAAB

Axad, Abriil 05, 2015 (Daljir) — Xildhibaan Maxamed Dahiye Ducaale oo laga soo doortay deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-ari ee Kenya ayaa VOA-da u sheegay in la hayo xog buuxda oo xaqiijinaysa in raggii weeraray Jaamacada Gaarisa ay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ka yimaadeen.

Ducaale ayaa sheegay in dowladdu ay billowday baaritaan lagu xaqiijinayo farihii laga qaaday raggii weerarka geystay iyo dhiigga lagu aqoonsiga qofka ee loo yaqaaanno DNA-da, kuwaasoo loo diray xarumaha aqoonsiga dadka ee dalka Kenya iyo kuwo Qaxootiga si loo ogaado cidda ay yihiin.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta Kenya ay rumeysan yihiin in ragga weerarka geystay ay magaalada Gaarisa lug ku yimaadeen maalintii uu weerarku dhacay; kaddibna ay isticmaaleen taksi, taasoo weli dabo-gal lagu hayo.

Xildhibaan Ducaale ayaa dhanka kale xusay in dadka weerarkaas lagu dilay oo ah 147-qof ay 142 ka mid ah ahaayeen ardayda; kuwaasoo 67 ka mid ah ay yihiin gabdho.

Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab oo xustay in ay ardayda u kala saareen muslim iyo maxiisi ayna toogteen kuwii masiixiga ahaa, kuwii muslimiint ahaana ay sii daayeen.

Dhanka kale, xukuumadda Kenya ayaa shaacisay inay weerarkan u xirtay shan ruux oo ay sheegeen in laba ka mid ah ay u kala dhasheen Kenya iyo Tanzania, lana qabtay saddex ka mid ah xilli ay doonayeen inay Somalia u baxsadaan.

Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku jira Qoxooti Saomaaliyeed oo ka badan nus-malyuun qof, kuwaasoo qaarkood halkaas ku jira in ka badan 24-sano.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca dalka Kenya tan iyo 1998-kii markaasoo la qarxiyay safaaradii uu Mareykanku ku lahaa Nairobi oo ay ku dhinteen boqolaala qof.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com