Booliiska Uganda oo Heegan loo geliyay cabsi laga qabo Weerarro Argagaxiso

Axad, Abriil 05, 2015 (Daljir) — Booliiska dalka Uganda ayaa ka digay weerarro ay Al-shabaab qorsheenayso inay ka geysato Uganda, kaddib weerarkii ay kooxdu ka geysatay Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya oo ay ku dishay in ka badan 147-qof.

Taliyaha booliiska Uganda, Jen. Kale Kayihura ayaa saxafiyiinta usheegay in laamaha sirdoonka dalkaas ay heleen xog muujinaysa in Al-shabaab ku qaaddo xarumo waxbarasho oo ku yaalla Kampala, si la mid ah weerarkii Jaamacadda Garissa.

Iskuullo ay ka mid yihiin Kayihuru oo ku yaalla waddada Jinja ee caasimada Kampala ayaa amaankiisa la adkeeyay cabsi laga qabo inay Al-shabaab la beegsato weerar khasaare badan geysta.

“Booliska waxay uga digayaan dadka inay booqdaan goobaha dadku ay isugu yimaadaan; sida hoteellada iyo suuqyada,” ayuu yiri Kayihuru oo la hadlayay warbaahinta caalamiga ah.

Dhanka kale, taliyaha booliiska Uganada ayaa ku boorriyay shacabku inay xiriir toos ah lasoo sameeyaan booliiska haddii ay arkaan khatar kusoo food leh oo ay macquul tahay inay argagaxisadu geysato.

Baqadinta soo wajahday xukuumadda Uganda ayaa timid kaddib markii Al-shabaab ay sheegteen mas’uuliyada weerarkii Jaamacadda Gaarisa ay ka geystay kooxdan, weerarkaasoo noqday kii ugu xumaa ee ka dhacay Kenya wixii kadambeeyay weeraradii Westgate Mall.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegatay mas’uuliyada weerarkii bambaano ee Kampala ka dhacay sannadkii 2010 –kii kaasoo ay ku dhinteen 76-qof oo daawanayay ciyaaro kubadda cagta ah.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com