Qorshihii wareejinta ee dekedda Bosaso oo dib loo dhigay

Qorshihii wareejinta ee dekedda Bosaso oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigay qorshihii lagu wareejinayay dekedda Bosaaso oo maanta loo balansanaa in lagu wareejiyo shirkadda P&O Ports ee wadanka Imaaraatka Carabta.

Lama oga ujeedka keentay dib u dhigista wareejinta dekedda oo la filayay in la balaariyo, waxaana masuul sare oo katirsan dowladda Puntland uu u xaqiijiayay radio Daljir in dib loo dhigay maalmo kooban, inkastoo uu ka gaabsaday sababta iyo xiliga loo balamay.

Dowladda Puntland iyo shirkadda P&O Ports ayaa horay ugu heshiiyay inay shirkaddu maamusho dekedda muddo sodon sano ah, waxaana sidoo kalle horay cabasho uga muujiyay siyaasiyiin iyo odayaal horay ugu shiray Bosaso oo sheegay waqtiga inuu yahay mid aan la aqbali karin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com