QM oo Sheegtay in Kharashka Ciidamada AMISOM la Kordhiyo

QM oo Sheegtay in Kharashka Ciidamada  AMISOM la Kordhiyo

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Waddamada taageera AMISOM iyo Waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey in ay xoojiyaan taageerada dhaqaale ee ku baxda AMISOM.

Haile Menkerios; ayaa sheegay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya laga gaaray guulo wax ku ool ah loona baahan yahay in la xajiyo guulahaas sidoo kalena la sameeyo horumarro kale si ay Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM uga adkaadaan Al-shabaab.

Waxaa uu isaga oo jooga Magaalada Adis ababa ka qeybgalayay shirka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka dhacay New York,waxaana uu xogwarran ka siinayay golaha xaaladda howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo ilaa hadda halka ay wax marayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com