HomeUncategorized

Qaxootigii ugu badnaa oo ka soo Cararay Colaadaha Yemen oo Bosaaso soo Gaaray

Axad, Abriil 26, 2015 (Daljir) — Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa markale waxaa maanta soo gaaray in ka badan 1200- (Kun iyo laba boqol) oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo cararay colaadda wadanka Yemen , inkastoo ay ku jireen dad aan badnayn oo u dhashay wadanka Yemen.

Madaxwayne Sheekh Shariif oo u dhoofay Ciraaq, kana qaybgeli doona shirka Jaamacadda Carabta ee ka furmaya Baqdaad
(DHAGEYSO) Barnaamijka Saaka & Dunida (Xarunta Boosaso)
Geeri Naxdin leh : Wariye Cawke oo ku Geeriyooday Jig-jiga

Axad, Abriil 26, 2015 (Daljir) — Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa markale waxaa maanta soo gaaray in ka badan 1200- (Kun iyo laba boqol) oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo cararay colaadda wadanka Yemen , inkastoo ay ku jireen dad aan badnayn oo u dhashay wadanka Yemen.

dadkaan ayaa waxaa ay isugu jiraan waayeel, carruur iyo dhalinyaro, waxaana dekeda kusoo dhoweeyay guddiga qaran ee loo xilsaaray soo dhowaynta dadkaan kuwaasi oo ku soo dhaweeyey Magaalada Boosaaso.

Waa tiradii ugu badnayd ee hal mar soo gaara Puntland, tan iyo markii ay bilowdeen qul qulka dadka kasoo baxsanaya dalka Yemen ee soo gaaraya Puntland.

Tiradaan cusub ayaa ka dhigaysa inay sii labo jibaarmaan tirada dadka Yemen ka yimid ee Puntland ka helay soo dhowaynta, kuwaas oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib.

Dowladda Puntland ayaa xeryo ku meel gaar ah u sameysay dadka soo qaxay, Waxaana la siiyay hoy iyo cunto ay ku noolaadaan inta ay xaaladooda wanaagsanaanayso.

By:Jaamac Cabduraxman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: