HomeUncategorized

RW Cumar oo Sheegay in la Dhisayo Maamul ay ku Midaysan-yihiin Hiiraan iyo Sh.dhexe

Axad, Abriil 26, 2015 (Daljir) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal ugu jirto dhismaha maamul ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe iyo ka mira dhalinta shirka Cadaado ka socda ee maamul loogu sameynayo bulshada degta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Baahin: Isniin, 8 July 2013, Caawa Iyo Daljir Weriye Macamed C Cali (Kooshin) ~ Daljir ~ Garowe
Golaha wasiiradda Soomaaliya oo maanta shir ka yeeshay Amniga iyo Qaxootiga Yemen
DHEGEYSO-Warkii Fiidnimo ee Daljir iyo Maxamud Cabdi Ibraahim.

Axad, Abriil 26, 2015 (Daljir) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal ugu jirto dhismaha maamul ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe iyo ka mira dhalinta shirka Cadaado ka socda ee maamul loogu sameynayo bulshada degta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa xusay in shirka ka socda magaalada Cadaado uu rajo weyn ka qabo inay ka soo baxaan maamul ay u dhanyihiin bulshada gobollada Mudug iyo Galgaduud ku nool, isagoo tilmaamay in xukuumadda ay dadaal ugu jirto hirgelinta Nidaamka Federaalka ah ee ay dowladdu qaadatay.

“Maamul u sameynta Gobollada dhexe waa ay socotaa, waad ogtihiin shirka waxa uu ka furmay cadaado, guul ayayna xukuumadda u tahay in shirka uu ka furmo cadaado waayo waqti ayay nagu qaadatay, waxaana rajeynaynaa in waqti dhaw ay wax ka soo baxaan, waxaana noo qorsheysan in aan guda galno dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda ay ahmiyadda koowaad siineyso xoojinta amniga, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda.

“Xukuumad ahaan ahmiyadda koowaad waxa ay tahay sugidda amniga, oo ay bulshada ka shaqeysan karaan gudaha dalkooda, dadka bulshada u horseeday inay qaxaan, dowladda gacan bir ah ayay ku qabaneysaa, Ummadda waxa ay ku qanci doonaan sida aan amniga u sugno, haddii aysan shacabka dowladda la shaqeyn”, ayuu yiri RW Sharma’arke.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: