Qaraxyo kadhacay deegaanka Afurur ee gobolka Bari

HomeWararka

Qaraxyo kadhacay deegaanka Afurur ee gobolka Bari

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Afurur ee gobolka Bari oo ujirta magaalada Bosaso dhanka koonfureed qiyaastii 82km ayaa sheegaya in laba qarax ay k

Bashiir Cabdi-Siciid: “25ka May waxaan diyaar u nahay doorashada”
Barnaamij Gaar Ah Wacyigelinta COVID-19 (dhegayso)
Koofurgalbeed oo Diyaarado ku Soo Daadgureeynaya Dadkii Sida qasabka ahayd looga soo barakiciyay Laascaanood (daawo)

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Afurur ee gobolka Bari oo ujirta magaalada Bosaso dhanka koonfureed qiyaastii 82km ayaa sheegaya in laba qarax ay kadhaceen deegaankaasi oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira ururka Al-shabaab ee ka dagaalama buuraha Cal-madow.

Goobjoogayaal ayaa radio Daljir u xaqiijiyay qaraxa inay ahaayeen laba qarax oo midkii koowaad uu kadhacay goob qaadka lagu qaybiyo oo ku taala deegaanka kaasi oo dad badan waxyeelo gaarsiiyay.

Qaraxii labaad oo daqiiqado ay  u dhaxaysay ayay wararku sheegayaan in lala eeegtay dad gurmad ugu yimid dadkii waxyeelada qaraxii hore uu soo gaaray.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, radio Daljir ayaa loo xaqiijiyay dhimashada todobo qof oo shacab iyo askar isugu jira.

Bishii June ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii weerar ay sheegteen ururka Al-shabaab uu kadhacay Afurur kaasi oo ay ku sheegteen inay ku dileen 61- katirsan ciidamada Puntalnd, weerarkaasi ayay dowladda sheegtay in lagu waxyeeleeyey dad shacab ah.

Wixii kasoo kordha kala soco wararkayaga dambe.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: