Qarax Maanta Kadhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Maanta Kadhacay Magaalada Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Isgoysyada Soos iyo Ex-Control Balcad ee Degmada Heliwaa ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare gaystay.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Waxaa wararku sheegayaan in gaarigaan oo ahaa nooca raaxada ay la socdeen labo qof oo halkaasi ku dhaawacmay, waxaana la rumaysan yahay inay katirsanaayeen ciidanka miino baarka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com