HomeUncategorized

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Somalia ay Gar-gaar Cunto u Baahantahay

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_ Warbixin uu soo saaray xafiiska Isku duwidda arrimaha bini’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa lagu sheegay in xaalad bani’aadamnimo ay ka dhalatay roobab xooggan oo ka da’ay deegaannada ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle ee gudaha dalka Soomaaliya.

DHEGEYSO-Madaxweynaha oo ku baaqay in laga faa’iidaysto wax soo saarka maxaabiista.,
DHEGEYSO-Abaar aan horay loo arag oo ka taagan gobolka Sanaag.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaallada gobolka Cayn oo la keenay Galkacyo.

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_ Warbixin uu soo saaray xafiiska Isku duwidda arrimaha bini’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa lagu sheegay in xaalad bani’aadamnimo ay ka dhalatay roobab xooggan oo ka da’ay deegaannada ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle ee gudaha dalka Soomaaliya.

Waaxda hay’adda FAO u qaabilsan biyaha iyo xogta dhulka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SWALIM), ayaa laga soo xigtay in marka laga reebo Jowhar, heerka biyaha ee webiyada ay iminka tahay mid caadi ah, balse ay jirto khatar ka dhalatay fatahaad ay sameeyeen labada webi.

Hay’ada SWALIM ayaa warbixinteeda  lagu sheegay in isu geynta dad lagu qiyaasay 144,000 ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab xooggan oo da’ayay tan iyo bishii October ee sanadkan.

Dadka ayaa badankooda ku nool gobollada Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose. Xilli roobabka ay ku sii yaraanayaan gobollada qaar ee dalka, haddana roobab xooggan ayaa lagu soo warramayaa inay ka da’ayaan degmooyinka Afgooye iyo Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose, sidoo kale warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in roobab xooggan ay ka da’ayaan tuulooyinka Buulo-mareer iyo Shalambood ee Shabeelaha hoose

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: