Madaxweynaha Somalia oo Booqanaya Indonesia

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha wadanka Indonesia Joko Widodo ayaa magaalada Jakarta ee xarunta wadankaasi ku qaabilay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dlakaasi oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood iyo qabanqaabada safar uu madaxweynaha Soomaaliya dhowaan ku tegi doono wadankaasi.

Safiirka Soomalaiya u fadhiya dalka Indonesia Danjire Cabdixakiin Ugaas Cali Yaasiin ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Indonesia ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ay ugu horeyso xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna ammaanay taageerada ay Indonesia siiso dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Cutubyo katirsan ciidamada wadanka Indonesia ayaa xarunta madaxtooyada dalkaasi salaam sharaf kusiiyey safiirka Soomaaliya ee Indonesia iyo madaxweynaha dalkaasi, kahor inta aysan kulanka wada qaadan labada mas’uul.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com