Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaallada gobolka Cayn oo la keenay Galkacyo.

Galkacyo, Jan 27 – Qaybtii ugu horeysay ee dhaawicii dagaalkii shalay ee duleedka Buuhoodle ayaa la keenay magaalada Galkacyo.

Dhaawaca la keenay magaalada Galkacyo ayaa ahaa 21 ruux; mid ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa geeriyooday intii aan la soo gaarsiin magaalada Galkacyo, laguna aasi doonaa isla magaalada.

Dhaawaca oo ay ku jiraan dad rayad ah ayaa hadda lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.

Madaxda gobolka, Issimada iyo shacabka gobolka Mudug ayaa u gurmaday dhaawaca, una ballan qaaday daryeel iyo baan joogto ah.

Maxamed Jaamac Tigey, guddoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlay dagaalada shalay ka dhacay duleedka Buuhoodle ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay joojiyaan duulaanka joogtada ah iyo xasuuqa waxashnimada ah ee ay ku hayaan shacabka gobolka Cayn.

Aabe dhalay 2 ilmood oo ka mid ah dadka dhaawaca ah oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in 2 wiil oo uu dhalay iyo hooyadood ay dhaawacyo soo gaareen.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug ayaa dhalleeceeyey weerarada Somaliland ku soo qaaday magaalada Buuhoodle.

Madaxad iyo shacabka gobolka Mudug ayaa u ballan qaaday shacabka gobolka Cayn gurmad deg deg ah.

Ma aha markii ugu horeysay ee Somaliland weerar ku soo qaado deegaano ka mid ah gobolka Cayn.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com