Erdogan oo Si Adag uga Hadlay khilaafka kala Dhaxeeya Ruushka

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_ Dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Madaxda Ruushka iyo Turkiga ee ku qotoma diyaaradii la soo riday ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo erayo xanaf leh ay hawada isu marinayaan labada dhinac.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa uga digay Ruushka inay dab ku ciyaaraan, waxaana uu xusay in Caalamka oo dhan ay og-yihiin inay ku saxsanaayeen soo ridista diyaarada.

“Ruushka waxay ku ciyaarayaan dab, dagaalka ay kula jiraan Daacish iyo mucaaradka Suuriya ee Caalamka aqoonsan yahay, Caalamka oo dhan ayaa og inaan ku saxsaneen inaan soo ridno diyaaradii Ruushka”ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay Telefishin laga leeyahay Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu kulan fool ka fool ah la qaato Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin todobaadka soo socodka, kulan ka dhici doona magaalada Paris oo looga hadli doono is bedelada cimilada.

Erdogan ayaa sheegay in taleefan uu u diray dhigiisa Ruushka aanu ka qaban, waxaana hadalkaas sii xaqiijiyay afhayeen u hadlay Aqalka Kremlink oo xusay in Madaxweyne Putin uu doonayo in Erdogan uu raalli gelin ka bixiyo diyaaradii la soo riday.

Dhinaca kale dowladda Ruushka ayaa qaaday tallaabo ay uga jawaabeyso diyaaradooda la soo riday, waxaana muwaadiniinteeda ay uga digtay inay u safraan Turkiga, isla markaana waxay xanibaad saartay qudaarta looga keeno Turkiga.

ErdoganSidoo kale Ruushka ayaa joojisay viiso la’aantii muwaadiniinta Turkiga ku tagi jiraan dalkaas, waxaana tani loo arkaa mid sii xumeynaya xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.

Labada dal ayaa ah kuwo xiriirkooda ganacsi uu aad u xooganaa, waxaana Turkiga uu ahaa dalka ugu weyn ee alaabaha ganacsiga geeya Ruushka oo haatan ay xiisad ka dhex bilaabatay .

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com