Qaar Kamid ah Shacabkii Dhaawaca ahaa oo Turkiga loo Qaaday (Sawiro)

Qaar Kamid ah Shacabkii Dhaawaca ahaa oo Turkiga loo Qaaday (Sawiro)

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaraha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka duushay Diyaarada siday qaar ka mid ah dadkii ugu darnaa eek u dhaawacmay qaraxii Maalin ka hor ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa waxa ay ka timid dalka Turkiga iyada oo ay la soceen Dhaqatiir u dhalatay dalkaasi, waxaana Garoonka ku sugnaa oo sagootiyay dhaawacyada masuuliyiin uu horkacayo Ra’iisul Wasaare xasan Cali kheyre Wasiiradda Arrimaha Dibad aiyo Warfaafinta.

Ku dhawaad 40 Ruux ayaa Diyaaradaan ay qaaday waxana la sheegay in qof walba uu raaci doono hal qof oo ehelkiisa ah tanina waxa ay qeyb ka tahay Turkiga oo ka jawaabayay codsi ay u direen Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com