Ciidamadda Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Walxaha Qarxa iyo Ragi watay

Ciidamadda Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Walxaha Qarxa iyo Ragi watay

Ciidamada Amniga ayaa xalay waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir howlgalkaas oo sida ay Saraakiishu sheegeen ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalka uga sameynayay Garaash bartilmaameed ahaa sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mi ah dadka ku nool Xaafada Kaawa Godeey oo uu howlgalku ka socday.

Saraakil katirsan Ciidamadda Hogaaminaya Howlgalka ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas ujeedkii laga lahaa lagu guuleestay isla markaana Garaashka ay ciidamadu ka soo qabteen Laba Nin iyo Gaari Garaashka u yaallay oo ay saarnaayeen caagaga loo yaqaano labaatan qaadka oo ay ka buuxaan waxyaabo loo maleynayo in ay qarax yihiin .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com