Qaar ka mid ah Illaalada gudoomiyaha Maxkamada magaalada Baydhabo oo Qarax lagu dhaawacay

Baydhabo, August 25, 2013 – Gurriga gudoomiyaha maxkamada degmada Baydhabo ee xaruunta gobolka Bay ayaa mar kale la wareeray, xili sidaan oo kale weerar loogu qaaday habeen ka hor.

Kooxo hubeysan ayaa weeraro Bambo ku qaaday gurriga gudoomiye Sheikh Maxamed, kaas oo ku yaala xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo.

Weeraradii lagu qaaday gurriga gudoomiyaha ayaa wararka aan helayno waxay sheegayaan in uu dhaawac culus ka soo gaaray labba ka mid ah ciidanka ilaalada u ah, balse waxaa bad-baaday gudoomiyaha.

Madaxda ciidamada madaniga ah ee magaalada Baydhabo oo saxaafada la hadlay waxay sheegeen in weerarkaasi ay u qabteen hal ruux, kaas oo looga shakisan yahay in uu ka dambeyey weerarada Bambaano.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com