Saliid sumeysan oo raad caafimaad ku yeelatay dadka deegaanada Jiriiban iyo Godob-yar (Dhegeyso)

Jiriiban, August 25, 2013 – Deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal waxaa laga soo sheegayaa xanuuno ka dhashay saliida caadiga ah ee cunnada loo isticmaalo, waxaa jira dad u jiifa xanuunkaas.

Miyiga deegmada Jiriiban ee gobolka mudug waxaa laga soo sheegayaa in ay jiifaan haatan ilaa shan ruux oo saliidaasi isticmaalay, shanta ruux oo isku qoys ah ayaa waxaa ugu liidata gabar yar.

Odoyaasha deegaanka iyo maamulka degmada Jiriiban ee gobolka Mudug, waxay cabasho ka muujiyeen arrinaasi, waxayna ka dalbadeen Puntland in arrintaan baaritaan lagu sameeyo.

Gudoomiyaha degmada Jiriiban ee gobolka Mudug Cabdikariin sheikh Xassan Keytoon oo la hadlay Radio Daljir, wuxuu sheegay in deeganada miyiga ah saliidaasi ay saameyn ku reebtay, wuxuu sheegay in ay aruuriyeen dhowr nooc oo saliida deegaanka la keenay ah, si loo baaro

Tuulada Godob-yar ee gobolka Nugaal ayaa arrintaani oo kale iyana ka dhacday shalayto, waxaana deegaankaasi ku sumoobay ilaa shan qows oo dadka tuulada ah, waxaa dadka deeganada Mudug iyo Nugaal ay si isku mid ah uga cabanayaan arintan.

?

Diiwaanka wararka

Radio Dalir

Dhegeyso Jamaal Faarax oo waraystay oo Gudoomiyaha Jiriiban Keytoon

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com