HomeUncategorized

Puntland oo Daawooyin lagu wareejiyey (Dhegayso)

Garoowe Oct 11-Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland ayaa maanta lagu wareejiyey Daawooyin kala duwan oo loogu tala galay bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Tallman.
Puntland oo markii ugu horraysay tiro-koob iyo daryeel u fidinaysa carruurta agoonta ah iyo kuwa darbi-jiifka ah.
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.

?

Garoowe Oct 11-Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland ayaa maanta lagu wareejiyey Daawooyin kala duwan oo loogu tala galay bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland.
?
Daawooyinka maanta lagu wareejiyey Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa loogu tala galay in lacag la’aan lagu gaarsiiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee Puntland.
?
Hay’ada laga lee yahay dalka Talyaniga ee Birje International ayaa deeqdan daawooyinka ah ku wareejisey Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Dr Cali Cabdilaahi Warsame.
?
Daawooyinka maanta lagu wareejiyey Puntland ayaa tiradeedu dhantahay ?4 tan ayaa isugu jirta daawooyinka cudurada, Sonkorta, Dhiigkarka, Kaadida,iyo kuwo kale oo aad u muhiim ah.
?
Wasiirka caafimaadka Puntland dr Cali Cabdilaahi Warsame oo saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Garoowe ayaa ka mahad celiyey daawooyinka maanta lagu wareejiyey, isagoona tilmaamay in wasaaraddu ay xil weyn iska saari doonto sidii bulshada loo gaarsiin lahaa daawooyinkaas, Wuxuuna intaas ku daray in daawooyinkaani ay kusoo beegmeen xilli baahi weyn loo qabay.
?
Daawooyinka maanta lagu wareejiyey Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland ayaa kusoo beegmay xili aad baahi weyn loogu qabey daawooyin noocan ah.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir?
(B)?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: