Askar ku geeriyootey shil gaari oo ka dhacay deegaanka Karin ee gobolka Bari (Dhegayso)

?

Boosaaso Oct 10- Shilkan oo ka dhacay deegaanka Karin ayaa yimid kadib markii Baabuur nooca xamuulka qaada ah ay isku dhaceen ?Gaari nooca Ciidanka ah oo ay saaraayeen qaar kamid ah ciidanka ilaalada ah ee Gudoomiyaha gobolka Bari.
?
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Shilkan Baabuur, Inta la ogyahay 3 Askari oo kamid ah ciidanka Ilaalada ee gudoomiyaha gobolka Ayaa geeriyoodey halka 4 kale ay dhaawacyo qabaan.
?
Taliyaha ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka gobolka Bari Maxamed Finiin Yuusuf oo u waramay Radio Daljir ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilkan iyo cida khaladka leh Baabuurta isku dhacday.
?
Shilalkan Gaadiidka ayaa mudooyinkii danbe kusoo badanayey wadada laamiga ah ee marta gobolada Puntland, Waxaana arintani loo aaneeyaa dhinacyo ay kamid yihiin, Burbur ka jira wadooyinka meelaha qaar iyo Khibrad xumo kajirta dhanka Wadayaasha Gaadiidka.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)
?
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com