Puntland oo cashuuraysa shaqalaaha Hay’adaha ku sugan Puntland (Muuqaal)

Puntland oo cashuuraysa shaqalaaha Hay’adaha ku sugan Puntland (Muuqaal)

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha ee Puntland oo ay weheliso wasaarada maaliyada ayaa Hay’adaha QM, NGO yada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ba loogu soo bandhigay dhaqan gelinta cashuuraha ku waajibey shaqaalaha Hay’adaha ka shaqeeya deegaanada Puntland.

Masuuliyiinta waaxda dhakhli ururinta ee wasaarada maaliyada ayaa soo bandhigay noocyada cashuuraha ku waajibey shaqaalaha Hay’adaha oo laga rabo in laga jaro mushaharka ay qaataan kuwaasoo ay sheegeen in qofka lacagtiisu ka bilaabato $101 dollar ilaa $800 laga qaadayo 6% oo cashuur ah, halka qofkii qaata wax ka badan $801 laga rabo cashuur dhan 12%.

Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay ciqaab ay mutaysan karto Hay’adii ama shaqsigii u hogaan sami waaya nidaamka cashuuraha ee lasoo kordhiyey.

Cashuurta Cusub

Xukuumada Puntland oo shaqaalaha Hay'adaha kusoo rogtey cashuuro "Qof kii qaata lacag dhan $101 oo mushahar ah waxaa laga jarayaa $6 oo cashuur ah." Daawo warbixin dhamaystiran

Posted by Radio Daljir on Monday, July 22, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com