Puntland ?Caqabadaha waxbarashada waxaa ugu daran fasalada oo ardayda la dhaafiyo? (Dhegeyso)

Garoowe, September 21, 2013 – Wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa walaac ka muujisay ardayda inta badan la dhaafiyo qaar ka mid ah fasalada waxbarashada Asaasiga ah, taas oo sabab u noqota in ay waxbarashada ka haraan iyagoo la qabsan waaya heerka waxbarasho ee ay tageen.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada ee Puntalnd Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in ay wasaarada dhibaato ka haysato ardayda la dhaafiyo fasalada, arrintaas ayuu si cad u sheegay in ay sababto in ay dhalin fara badan tahriibaan.

Mudane Maxamed Cabdiwahaab ayaa ku eedeyey ficiladaas waalidiinta oo u arkaya qorshaha in qaar ka mid ah fasalada la dhaafiyo ardayda mid horumar waxbarasho ah, waxaa kaloo uu degniin u jeediyey dadka sameeya warqadaha been abuurka ah ee bedelka ardayda.

?Dadka sameeya warqadaha been abuurka ah ee bedelka wasaaradu talaabo ayey ka qaadi doontaa, sidoo kale waalidiinta ayaa ayaa caqabad weyn ah oo arrintan fududaynteeda gacan ka geysta, waan ka digaynaa talaabadaas? ayey yiri Maxamed Cabdiwahaab.

Wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxay degniin u jeedisay kooxaha sameeya warqadaha bedelka dugsiyada waxbarashada asaasiga ah iyo ?shahaadooyinka been abuurka ah, in kastoo aan wax talaabo muuqata ah laga qaadin

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO: Jamaal Faarax Aadan oo daljir ka tirsan ayaa waraystay Agaasimaha Maxamed Cabdiwahaab


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com