QM oo howlaha shaqo ee hay?ada gargaarka ku balaarinaysa gobollada maamulka KMG ah ee Jubba

Kismaayo, September 21, 2013 – Magaalada Kismaayo ee xaruunta maamulka KMG ah Jubba waxaa maanta gaaray wefdi balaaran oo ka socda hay?daha Qaramada Midoobey iyo xafiiska UNSOM, wefdiga ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.

Cabdiqani Jaamac oo ah la taliyaha madaxweynaha maamulka Jubba waxaa uu sheegay wefdiga tegay Kismaayo ay horkacayeen xubno sar sare oo ka tirsan xafiiska Qarmaada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, kuwaas oo masuuliyiinta Jubba ka hadlay arrimo dhowr ah.

Maamulka iyo wefdiga Qaramada Midoobey ayaa ka wada-hadlay sidii ay dhowaan hay?adaha Qaramada Midoobey u tegi lahaayeen magaalada Kismaayo iyo deeganada kale ee maamulka Jubba, si loo caawiyo bulshada isla markaasna ay qayb uga noqdaan howlaha shaqo ee gobolka.

UNSOM iyo Jubba sidoo kale waxay ka wada-hadleen in la xoojiyo isla markasna la dhaqan-geliyo heshiiskii Jubba iyo dowladda Federaalka ah, kaas oo 28 Agoosto lagu gaaray magaalada Adis-Ababa ee xaruunta dalka Ethopia.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com