Nin Yaraysi Ma Leh: Qadar fkf Sacuudiga iyo Xulufadiisu (dhegayso)

Nin Yaraysi Ma Leh:  Qadar fkf Sacuudiga iyo Xulufadiisu (dhegayso)

Xiisadda u dhexaysa dalalka khaliijka gaar ahaa xulufada uu Sucuudigu horkacayo iyo dalka yare e qaniga ah ee Qadar ayaa cirka isku shareertay ka dib markii ay Qadar ku gacansayrtay shuruudihii ay xulufadu hor dhigeen ayna ku tilmaantay shuruudahaas kuwo madax banaanideeda wax yeelaya, deedna ay xulufada Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ku hanjabeen inay cunaqabatayn hor leh kusoo rogi doonaan Qadar, iyadoo qodobka ugu weyn ee Qadar lagu eedeynayana uu yahay inay taageerto waxa loogu yeero argagixisada.

Xiisaddan oo markii hore la sheegay inay ka dhalatay booqashadii uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagay dalka Sucuudiga ayaa dunidu siyaabo kala duwan uga hadashay, Trump judhiiba wuxuu taageeray mawqifka Sucuudiga, balse dalalka Ruushka iyo Jarmalka ayaa arrintaas si toos ah uga horyimid, dhawaanna hay’ad Ingiriis ah oo fadhigeedu yahay London ayaa sucuudiga ku eedeysay in sucuudiga laftiisu yahay kan ugu weyn ee argagixisada taageera eedda uu Qadar ujeedinaya ay tahay munaafaqad iyo laba wajiilenimo.

Dhanka gobolka Bariga dhexena dawladaha Turkiga iyo Iran oo ka mid ah kuwa ugu saamaynta badan ayaa garab istaagay dalka Qadar, si taas la mid ahna dalalka Afrika siiba kuwa geeska afrika ayaa arrinta ku kala qaybsamay. Somaliya, Itoobiya, Kenya iyo Sudan waxay qaateen mowqif dhex-dhexaadnimo halka Djibouti iyo Eretrea-na ay horay ka taageereen go’aanka xulufada Sucuudiga, taas oo keentay in markiiba Qadar ay qaadato ciidankeedii nabad ilaalinta ahaa ee ku kala dhexjiray Djibouti iyo Eretrea arrintaas oo xiisad cusub ka dhex abuurtay labadaas dal.

Soomaaliya oo muddo rubuc qarni ka badan wajahaysay burbur iyo dagaallo ahli ah kana mid ah dalalka jaamacadda carabta ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadiisu si aan looga baran xukuumadihii ka horreeyey bilowgiiba waxay qaadateen mowqif dhexdhexaadnimo sida lagu sheegay shir ay golaha wasiirada ee Somaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Warbixin arrintan la xiriirta si gaar ahna u taabanaysa mowqifka dawladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dadka Soomaalida oo siyaabo kale duwan uga hadlay arrintanba waxaa studiyaha Daljir ee magaalada Bossaso inoogu diyaariyey Axmed Sh Maxamed “Tallman.”

Dhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com