HomeUncategorized

Nin qorsheeynayay dilka abaanduuliyaha ciidamada xooga dalka oo lasoo bandhigay.

Mogadishu, Apr 07 -Saraakiil katirsan ciidamada dowladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu abaabulayay fal lagu doonayay in lagu dillo abaanduuliyaha ciidamada xoogga dalka Gen Cabdikariin Dhegabadan.

Deegaano Hoos-taga Gobolka Bari oo biyo la’aan laga Soo Sheegayo
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Sabti_07
Howl-galka la dagaalanka Burcad-badeeda oo Seychelles ku wareejiyey Soomaali hor leh oo eedaysan

Mogadishu, Apr 07 -Saraakiil katirsan ciidamada dowladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu abaabulayay fal lagu doonayay in lagu dillo abaanduuliyaha ciidamada xoogga dalka Gen Cabdikariin Dhegabadan.

Ninka la soo qabtay oo magaciisa ku sheegay C/raxmaan Maxamed Catab ayaa la qabtay kadib markii uu jaakad ay ku jiraan walxaha qarxa uu doonayay in lala bartilmaameedsado Gen.Dhaga badan, isagoona adeegsanaya dareewalka Gen.Dhagabadan oo isagu ah ninka fashiliyay isku dayga dil ee lala maaganaa abaanduuliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Dhegabadan.

Shirsaxafadeed ay sida wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabteen saraakiisha ayaa waxaa la go’aamiyay C/raxmaan Maxamed Catab in loo gudbiyo hay’adda nabad sugidda si baaritaano buuxda loogu sameeyo, sirro la xiriira qorshayaasha Al-Shabaab ee qaraxyada Muqdisho ay ka fulinyaana looga ogaado.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: