HomeUncategorized

Xildhibaan Mowliid Macaane iyo Faysal Xaaji Cilmi oo ku geeriyooday Nairobi.

Nairobi, Apr 08 -Allah ha u naxariistee, waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyooday xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud iyo Daahir Xaaji Cilmi oo isaguna ahaa la taliyaha r/wasaaraha Soomaaliya ee xiriirka dadwayanaha.

DHEGEYSO-Shir dhaqameed lagu qabtay magaalada Buuhoodle.
Hawlgallo ammaan oo ka socda Galkacyo & bilayska oo baaraya falal danbiyeedyadii hore.
Dawladda Puntland oo cambaaraysay dilkii Marxuun (Nadaara) tilmaamtayna inay gacanta kusoo dhigi-doonto dhagarqabayaashaasi.

Nairobi, Apr 08 -Allah ha u naxariistee, waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyooday xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud iyo Faysal Xaaji Cilmi oo isaguna ahaa la taliyaha r/wasaaraha Soomaaliya ee xiriirka dadwayanaha.

Labada marxuum oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho ka dhacay afartii bishan ayaa loo duuliyay Sabtidii shalay magaalada Nairobi si dhaawacyadooda halkaasi loogu daaweeyo.

Amb Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo dhimashada saraakiishan u xaqiijiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu tilmaamay la taliyihii r/wasaaraha ee xiriirka dadwaynaha Daahir Xaaji Cilmi inuu dhaawaciisa uu u geeriyooday fiidnimadii xalay, halka xildhibaan Mowliid Macaane uu isaguna geeriyooday subaxnimdii hore ee saaka.

Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo muddo dheer siyaasadda Soomaaliya kusoo dhexjiray ayaa xilal kale duwan oo heer wasiir ah kasoo qabtay xukuumadihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: