
Garowe, July, 03 ? M/kuxiggeenka dawladda Puntland General C/samad Cali Shire ayaa sheegay inay aad uga xun-yihiin falkii xalay lagu dilay T/kuxiggeenkii ciidanka booliska Puntland marxuun Col: C/llaahi Saalax (Nadaara).
General C/samad Cali Shire ayaa hadalkaan ku sheegay shir-jaraa.id oo uu maantay ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland, waxaana uu hadalkiisa raaciyay dilka loo-geestay marxuun Nadaara inuu yahay dilkii 2-aad oo Garowe loogu gaysto masuul miisaan culus dawladda ugu fadhiya abid, waxaana uu hadalkiisa raaciyay inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo eheladii iyo qaraabadii dadkii uu ka geeryooday marxuun Col: C/llaahi Saalax.
Magaalada Garowe oo horay loogu bartay nabad-galyo waasic ah ayaa dilkaan waxaa uu noqonayaa mid ka duwan dilalka ka dhaca magaalooyinka kale ee Puntland sida Boossaaso iyo Gaalkacyo, waxaana goor-horeba ciidamada boolisku ay bilaabeen hawlgalo lagu baarayo dhagar-qabayaashii dilka u gaystay marxuun Nadaara.
Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.
FAALLOOYIN & FALCELIN