Muxuu salka ku hayaa safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Dhuusamareeb? ( Akhriso)

Muxuu salka ku hayaa safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya  ee Dhuusamareeb? ( Akhriso)

iyadoo xiisada udhexaysa dowladda iyo mamaulka Galmudug ay cirka isku shareertay ayaa magaalada Dhuusamareeb haatan ku sugan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wasiirka ayaa Dhuusamareeb kula kumay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir, waxayna ka wadahadlayaan xaalada khilaafka dowladda iyo maamulka Gamudug gaar ahaan darafka uu hogaamiyo madaxweyne Xaaf iyo hanaankii ay udhicilahad doorashada Galmudug.

Xaaf oo shalay lahadlay Warbaahinta ayaa dowladda ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso mamaulkiisa oo ay doonayso in xukunka xoog looga tuuro.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in doorashada Galmudug ay dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isla markaana la qabto shirweyne dib u heshiisiineed, maadaama muddada xilheynta dastuuriga ee Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com