Muxuu ka dhashaa Cudurka Gaaska iyo Bacteria-da H. Pylori?

Muxuu ka dhashaa Cudurka Gaaska iyo Bacteria-da H. Pylori?

waa nooc kamid ah bacteria-da caanka ah oo soo jireenka ah, taasoo ku dhex nool kuna dhex korta habdhiska dheefshiid ka bani’aadamka khaas ahaan caloosha iyo mandhicirada yaryar, bacteria-daan waxay awood u leedahay inay weerarto oo burburiso gidaarada caloosheena iyo mandhiciradeena, qiyaastii 60% dadka da’doodu ka wayntahay 18sano ee caalamka ku nool ayay saamaysaa bacteria-daan.

H.pylori badanaa wax samayn caafimaadaro ah ma gaysato balse xiliyada qaar ayay sababtaa in ay dhaawacdo nabarna ku samayso gidaarada caloosheena iyo mandhiciradeena.

Tixraaca:
————-

Erayga H=waxa uu macnahiisu yahay, Helico=taas oo laga soo dhiraan dhiriyay, Greek =taasoo micnaheedu yahay =Spiral= duuduuban, waana Bacteria duuduuban.

Bacteria-daan H.pylori waxay jirkeena khaas ahaan caloosheena iyo mandhiciradeena ku abuurantaa xiliga caruurnimada, xiligaas ma ay ku keento jirkeena wax calaamado ah, dadka qaybtood markay waynaadaan oo ay qaan gaaraan ayay calooshooda iyo mandhi ciradooda ku samaysaa boogo ama Nabro markaas oo ay calamadaha cudurkaan yeelanayaan.

Bacteria-daan waxay ku dhex tarantaa ama ku kobocdaa caloosha dhexdeeda, waxaana arintaan u sahlaya qaabka ay u samaysantahay oo ah (Spiral, ama Duuduuban) iyo sidoo kale caloosha oo ay kala dirirayso aysiidhka (Acid-ka) ay soo siidayso, aad ayayna ugu adkaanaysaa inuu dhifaaca jirkeena iska dhiciyo bacteria-daan, aakhirkana khatar nololeed ayay ku keenaysaa qofka iyo xitaa geeri.

Maxaa Sababa Cudurkaan H.pylori (Causes of H.pylori):
———————————————————————–
Wali sabab sax ah lagama hayo asal ahaan waxa sababay bacteria-daan inay jirkeena ku abuurmato, walise cilmi baaris ayaa lagu wadaa, kumanaan sano inay soo jirtayna waa la ogaaday.

waxyaabaha fududeeyn kara inuu qofku cudurkaan qaado waxaa kamid ah:

(1)- in qof uu qof kale u gudbiyo asagoo la wadaagaya, Cabid, Cunid, ama Dhunkasho.
(2)- Saxaro afka kuu gasha siday kugu gali kartana waa, adigoo saxarooda markaa saxarootid ka dibna aanan faraha iskaga dhaqin biyokulul iyo sabuubuun dabadeedna cunto ku cuna.
(3)- Biyo wasakhaysan oo uu qofkucabo.
(4)- Cunto wasakhaysan oo uu qofku cuno.

Yaa khatar ugu jira H.pylori (Risk factors of H.pylori) :
———————————————————————————

bacteria-daan H.pylori waxaa khatar ugu jira inay ku dhacdo:

(1)- caruurta yaryar ayaa khatar ugu jira inay ku dhacdo bacteria-daan sababtoo ah caruurta yaryar waxaa aad u hoosaysa nadaafadooda.

(2)- dadka ku nool dunida soo koraysa ee hormarintooda caafimaad liidato.

(3)- dadka la nool ama nolashooda la wadaaga dadka cudurkaan qaba.

(4)- dadka ku nool magaalooyinka ay aadka u badanyihiin dadka ku nool.

(5)- dadka ku nool meelaha nadaafada liita ama nadaafadoodu hoosayso

(6)- dadka la nool dadka dhaqan ahaan halka weel wax kuwada cuna ama wax kuwada caba.

(7)- dadka aana heli karin biyaha nadiifka ah ee kulul oo nadaafada lagu hormarsho.

Cilmi baaris ay hayado iyo macaahid caalami ahi sameeyeen ka gadaal waxaa la ogaaday oo la xaqiijiyay nabraha dhaawacyadaa (ulcers) ee ku dhaca caloosha iyo mandhicirada yaryar inay sababto bacteria-daan H.pylori, markii loo barbar dhigo xanuunka cadaadiska maskaxeed (depression ) iyo cuntada aysiidhka badan ( acidic foods ) oo dadka inbadan ay horay u aaminsanaayeen in labadaan ay yihiin waxa ugu badan oo sababa boogta (ulcers).

12% dadka H.pylori bacteria qaba ayaa waxaa ku dhaca boogta caloosha iyo mandhicirada ( peptic ulcers and stomach ulcers ) arinta labaad ee boogtaan sababta waa daawooyinka loo isticmaalo xanuun baabiyaha ama kaar jabinta ee loo yaqaano (NSAID’s).

~ Xogtaan waxaan kasoo xigtay oo sidaan qaba xarunta hormarinta, iyo cilmi baarista caafimaadka ee (Mayo Clinic) ee fadhigeedu yahay dalka maraykanka.

Calaamadaha lagu garto cudurka H.pylori (Symptoms of H.pylori):
————————————————————————————
Dadka intooda badan ee bacteria-daan qaba wax calaamado ah malaha.

– Qofkii uu cudurkaan ku xumaado oo uu gaarsiiyo inuu boog ku sameeyo calooshooda iyo mandhicirakooda waxaa ku imaanaya calaamadahaan:
(1)- bog xanuun saa’id ah.
(2)- olol ama kulayl boga ka qabta.
(3)- daaco kulul iyo cunadoo kugu soo rogmata.
(4)- lalabo badan
(5)- qandho madaxa iyo jirka kaa qabata.
(6)- cuntadoo kaa istaagta ama aad cunada cuni waysid.
(7)- miisaankaaga oo hoos u dhaca ama aad caatowdid.

Fiiro gaar ah!:
———————
hadaad sedexdaan calaamadood ee soo socda aad isku aragtid fadlan si dagdag ah ku tag dhakhtarka kuugu dhow.
(1)- liqida oo ku dhibta
(2)- dhiig la’aan (Hb gaagoo hoseeya)
(3)- saxaradaada oo dhiig leh ama dhiig la socdo.

Calamaadahaan waxaa sababi kara cuduro kale ee fadlan hadaad isku aragtid u tag dhakhtarkaaga si uu kaaga xaqiijiyo xanuunkaad qabtid.

lasoco qaybta danbe ee isla cudurkaan.

Mahadsanidiin

Dr Fahad Abdisalan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 19
  • Su'ad 1 year ago

    Mahadsanid dr

  • Mahadsanid dr fahad

  • M H Guled 2 years ago

    Asc, Dottore aad baad u mahadsan tahay, kheyr Allaha kuugu badalo.
    Waxaa jirta daawo laga heli Karo Galkacyo, oo dadkii isticmaalay ay ku wada caafimaadeen.
    Haddii Loo baahdo waan idiin soo gudbin meesha laga helo.

    Mahadsanid

  • Mohamed 2 years ago

    Asc wll waxaan qabaa Cudurka h pylori 2 Maalin  Kahor  baaritaan la igu sameeyay ayaa la ii shaagay inaan qabo cudurka loo yaqaano h pylori marka daawo ma leeyahay

    Mahadsanid 

    • M H Guled 2 years ago

      Walaal Daawo waa leeyahay, ee fadlan wac telefon kaan +252 907 938 616.
      Wuxuu hayaa Daawo kuu cusub dalka, haddaad u tagi kartid wuxuu joogaa takhtarkaasi Galkacyo.

  • Abdisalan 3 years ago

    Waxaan rabaa doctor lanbarkaga adigo mahadsan

  • Fatima 3 years ago

    Wllo maxaa keeno gaaska ku dhaco beerka

  • Ahmed 4 years ago

    Asc Doctar,
    Walaal marka hore waan ku salaamey, salaam kadib walaal ilmo yar oo leh H.plori taas oo la siiyey dawadan CIBRO markii laga baadhey laakiin, Kadibna laga waayey markii labaadhey ee uu dawadii dhameystey, se calaamadihii walileh maxaa talo iyo tusaale ka bixin lahayd?

    • Hassan 2 months ago

      Asc dr.aniga xanuunkan h pylori ayan qabaa daawana waan qaataa ee majira waxyaabo la iska ilaaaliyo marka laqaadayo dawadan
      MHDSNID

  • GAASKU WAA CUDUR XUN DADKENA SOMALIYEDNA BADANKOOD WAA QABAAN LKN INTA BADAN SIFICAN ISKAGAMA DAAAWEYAN EE DAWOYIN KALMAATI AH BAY UQATAAN

  • Mahadsanid Dr waxaa moodaa inaa aniga isheegaysi
    Sidaas cml bagxanuun madax wareer qandho jidhka ah baandareema iyo daaco

  • Jazaakallahu kheyr walaalyaal

  • Wad mahadsantihiin H.pyloy mxa iskaga daawen karaa

  • Khaliil 5 years ago

    Aad iyo aad ayaad umahad san tihiin waayo wax badan ayaan ka fahmay

  • Abdirahman 5 years ago

    Waxan aad iyo aad kaga mahadcelinaya wax ka iftiminta aad no iftimisay ee ku sabsan gaska calosha runti aniga shaqsi ahanteyda ayay ii sameyay gaskan oo dhib badan kala kulmay blse qormadan ka dib ayan howl gali dona ano maraya taloyinka aad so xustay iyo dawayinka aad no shegtay

    Mahadsanid Dr: fahad abdisalan

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com