Munaasabad agab dhaqaale loogu ururinayo cisbitaalka Galkacyo Medical Centre (GMC) oo 23-ka bisha October ka dhici doonta St. Paul / Minneapolis, MN.

Minneapolis, Oct 20 – Waxaa lagu wargalinayaa Somalida ku nool magaalooyinka mataanaha iyo nawaaxigooda (St. Paul / Minneapolis) in 23-ka bisha October lagu qaban doonto Minneapolis munaasabad agab dhaqaale (fundraising) loogu ururinayo cisbitaalka Galkacyo Medical Centre (GMC) ee magaalada Galkacyo.

Munaasabada oo ka dhici doonta Ramada Plaza hotel oo ku yaal Industrial Blvd ee magaalada Minneapolis ayaa waxaa ka hadli doono Dr. Cabdulqadir Maxamuud Jaamac ‘Dr. Dhegacade’ oo ka mid ah dhakhaatiirka fara-ku-tiriska ah ee Somaliya ka shaqeeya, una adeega danyarta Somalida ee ku nool gobollada Puntland, Somaliland, gobollada dhexe, iyo gobolka dawlada Somalida ee Ethiopia.

GMC-ga Galkacyo waxaa la aasaasay sannadkii 1997, waxaana uu fidiyaa adeegyo caafimaad oo kala duwan.

Hoos ka akhriso xog dheeraad ah oo ku saabsan cisbitaalka Galkacyo Medical Centre (GMC).
GMC Profile …

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com