Bilayska Galkacyo oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah koox hubaysan oo rasaas ku furtay bar koontarool iyo gaarigii ay wateen.

Galkacyo, Oct 21 – Koox dabley ah oo ku hubaysnaa qoryaha darandoorriga u dhaca ayaa xalay fiidkii rasaas oodda uga qaaday bar kootarool oo ay la haayeen ciidamada maamulka dawladda hoose ee degmada Galkacyo.

Koontaroolka kooxda dableyda ahi ay rasaasta ku fureen ayaa yaallay meel ku dhaw xarunta maamulka dawladda hoose ee degmada Galkacyo, waxaana kooxdaasi ay rasaasta fureen kaddib markii illaaladii kontaroolkaasi ay joojiyeen gaari ay saarnaayeen oo ahaa nooca Maarkeedka loo yaqaanno.

Rasaasta kooxdaasi ay fureen waxaa ku nafwaayey labo qof oo midkood uu yahay askartii waardiyaha ka ahayd kontaroolkaasi iyo mid kale o isna ka tirsanaa shaqaalaha dawladda hoose, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay illaa 10 ruux oo u badanaa dad shacab ah oo fadhiyey meherado ganacsi oo halkaasi ku dhawaa

Ciidamada ammaanka iyo kuwa maamulka dawladda hoose ayaa isla markiiba ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan mid ka mid raggii weerarka gaystay iyo gaarigii ay wateen, waxaana nin la qabtay uu qabaa dhaawac sahlan sida saraashiisha bileyska ay xaqiijiyeen.

Taliyaha qaybta bileyska ee gobolka Mudug G/le sare C/rashiid Cadceed Galle?Dhay lo? aad? oo u warramay idaacadda Daljir ayaa sheegay ragga weererka soo qaaday in ay ka tallaabeen xaafadda Wadajir ee dhanka koonfureed ee magaalada Galkacyo, kaddibna intii baxsatay ay isla xaafaddaasi u carareen.

Gaarigii iyo ninkii la qabtay ayaa wali lagu hayaa saldhigga ciidanka bileyska, waxaana tan iyo xalay markii falkaani dhacay magaalada Galkacyo ka socday kulamo is-daba-joog ah kuwaasi oo ay leeyihiin maamulka gobolka, midka degmada iyo saraakiisha nabadgalyada ee isla gobolka, mana jiraan wali wax go?aamo ah oo ka soo baxay.

C/fitaax Cumar Geeddi
Daljir Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com